Skip To Main Content

Ka jawaabinta welwelka waalidka: nidaamka taageerada ardayga jinsiyada bedelan

Ka jawaabinta welwelka waalidka: nidaamka taageerada ardayga jinsiyada bedelan

To see District 191 School Board Chair Lesley Chester's statement responding to parent concerns, go to https://youtu.be/k3a3Cve9Wok.

Waxaan maqalnay in ay walidiinta ka welwelsan yihiin nidaamka aan dhowaan qaadanay. Nidaamka waxay loogu talagalay in lagu caawiyo ardayda ah si loo hubiyo in aan siino goob badbaado ah, oo soo dhaweyn u leh ardayda transgender/(qof aaminsan in uu kabeddelan yahay jinsiyada uu kudhashay) Waxaan kaliye rabnaa in aan idin siino macluumaad kooban si aan uga jawaabno welwelkaaga, siloo joojiyo wararka xanta ah ee qaldan.

Marka kowaad - tilmaamaha iyo nidaamkan cusub ma dhahayaan waxaan bilaabaynaa in aan macluumaadka kaqarino waalidiinta. Waan ognahay sida ay muhiimka u tahay in shaqaalaha dugsigu ay kashadaan lana shaqeeyan waalidiinta si ay u taageeraan ardayda taasina isma beddelayso.

Kuli dhammaan kiisaska, ama xaaladaha soo gudboonada, sharciga gobolku wuxuu qabaa oo uga baahan yahay dugsiyada in ay la wadaagaan waalidka macluumaadka ardayda haddii waalidku soo codsado. Waxaa jira hal ka reeban taas, kaasoo ah haddii ardaydu ka codsadaan mid ka mid ah shaqaalaha inuu wax gaar ah usheegto, oo codsado in loo xafido oo ay dani ugu jirto ardaygaa. Tusaale ahaan, xogta ardayga waxa loogu ilaalinaya si loo sugo amaanada ardayda oo looga ilaaliyo dhaawac jidhka ah oo soo gaara iyo mid qalbiga kadhawaca.

Had iyo jeerba nidaamkan iyo sharcigan waa mid u yaala gobolka. Degmo kasta iyo dugsiyada charterka oo ku yaal Minnesota waa in ay raacaan sharcigan.

Marka xigta, waxaa laga yaabaa in aad maqashay warar been ah ama xan ah oo aan rabo inaan idiin sheegno wixii xaqiiqo ah.

Marka kowaad - Dugsiyadeenu ma bixiyaan wax daawo ah, haddii waalidka u keensan oo aan ogolaansho laga hayn.

Makra labaad - Kuma dhiirigelineyno ardayda in ay noqdaan transgender/jinsiyada bedelan. Dhab ahaantii, kuma dhiirigelinno ardayda in ay noqdaan waxaysan aheyn. Waxaana qadanaa dhammaan ardayda, ayagoo loo eegayn lab ama dheddig ama isirkooda ama diintooda ama luqaddooda, waanaa soo dhawaynaynaa waxaanan ka caawinaynaa in ay kobcaan.

Nidaamkan waxa ay ku saabsan tahay hubinta in aan la takoorin ardayda transgender-ka ah, sida aan loo takoorin ardayda diintooda ama luqaddooda hooyo, ama hawlaha socdaalka. Bulshadeena kala duwani waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican dugsiyada Burnsville. Waxaan rabnaa in aan sidaas ku sii wadno.

Waxaan run ahan aaminsanahay in qoysku yahay waxa ugu muhiimsan waxbarashada ubadka, waxaana sii wadi doonaa ixtiraamka dhammaan qoysaskeena iyo dhammaan dhaqamada kala duwan ee bulshadeena.

Waad ku mahadsan tahay dhegeysigaaga!